Translate

Tuesday, 1 September 2015

Changing the Capital City of Somalia-The Only Way Forward - WardheerNews

Changing the Capital City of Somalia-The Only Way Forward - WardheerNews

Mooshinkii Madaxweyne Xasan Shiikh, xaggee ku dambeeyey?

Mooshinkii HSM laga keeney inkastoo Soomaalida intooda badanni ay filayeen inuu noqonayo xumbo dabayli ku dhacdey, iyagoo yaqaanna qaabka uu u shaqeeyo BFS, baa hadanna waxaa soo ifbaxay in Xamar ay noqotey meel gacanta ugu jirta qabiil ku adeeganaya magaca Soomaaliya.

Taasina waxay si fiican u soo ifbaxdey markii Qabqablayaasha sheegta iney yihiin odey dhaqameedka Hawiye, ay soo saareen BAAQ huwan Dhaar iyo Caga-jugleyn ay u jeediyeen xubanaha Baarlamaanka ku fadhiya magaca reerkaas.

Taasoo ahayd wax aan horey loo arag, oo ahayd ficil cusub oo aan marnaba lagu arag qabaa'ilka kale ee Soomaaliyeed, annagoo og in rag badan lagu eryey mooshin laga keeney.

Waxaa taas dheer, iyadoo Mooshinka HSM uu u baahnaa 2/3 aqlibiyad ah in lagu rido, oo taasi siineyso awood dheeraad ah oo ayan haysan DULMANAYAASHA loogu yeero Ra'iisal Wasaaraha oo iyaga lagu rido 50%+1.

Waxay taasi keeneysaa in ay aad u yar tahay wax raja oo laga qabo Soomaalinimo. Sababtuna waxaa weeyaan haddii kuwii sheeganayey Odayaasha Soomaaliyeed iney ka mid yihiin ay isu badalleen URUR cabsi galiya xubnaha sheegta iney u adeeggaan danta guud.

Waxaa is-weydiin mudan, Fadlan hana u qaadaninna inuu hadalkanni yahay been abuur ama war ku saleysan caadifad QABIIL, waanna arrin aynnu dhammaanteen oganahay, haddii:

1. Illaa iyo maanta laga kala heysto, hanti qofeed iyo tii qaranka.
2. Illaa iyo maanta dhaqaalihii dalka ee dadka ka dhaxeeyey uu gacanta ugu jiro dhowr qof oo isku reer ah.
3. Ciidamaddii Qaranka iyo hubkii magacii Soomaaliya logu keeney uu gacanta u galley reer Soomaaliyeed.
4. Hadda ay mareyso in shaqaalihii dalka loo hanjabayo, iyadoo loogu hanjabayo QABIIL.
5. Aan wax rajo ah laga qabin, in doorasho ay ka dhacdo Xamar uu ku guuleysto qof ahaan ahayn reer kaliya.

Soomaalinimadda laga hadlayo ama rajadda laga qabo, oo la dhoo-dhoobayo maxay noqon kartaa?

Intee la waddi karaa rajo been ah, oo ku saleysan been?

Xamar ma ahaan kartaa magaalo loogu yeeri karo Caasimadda Soomaaliya.

Allaha Sakhiro Amuuraha.

Tuesday, 25 August 2015

Puntland oo bilowdey daabiciddii lacagta, Iskana indho tirtey digniintii!!!

Markaan ku sameeyey baaris iyo inaan raadiyo qaabka lacagta loo sameynayo, inkastoo aanan xog ka hellin, in aan la hadlo ragga hawshaas wada, laakiin waxaan ogaadey intan:

Maxaa sababey in lacag la daabaco.

1. Iyadoo ay sii dabar-gowdey tii hore oo la isticmaalayey.
2. Iyadoo Puntland soo galleen lacago lagu soo daabacey, Goboadda Dhexe, Togdheer iy Xamar.
3. Lacagahaan oo ah kuwa "Quality" ahaan aad u liita.

Sida aan warka ku heyno, maxay tani hadda kaga duwan tahay tii hore:

1. Aaladda lacagta lagu daabacayo oo taal Bangiga Puntland.
2. Iyo "Quality" ahaan in tani fiican tahay, oo ayan Milmeyn haddii biyo taabtaan, ama lagu dhaqo.

Sida aannu horey u ogeyn markii lacagta Puntland lagu daabici jirey, sida ay hadda socota, Maxay isag mid yihiin:

1. In ay tahay SIR aan la ogeyn cidda leh.
2. In ay tahay SIR sida kuwa maal-gashaddey ay ku hellayaan faa'iidadoodda.
3. In ay tahay SIR inta la daabacayo, oo aan la ogeyn.
4. Barnaamijka guud oo isago dhan ah SIR.

Dhammaan waa ognahay in lacag la iska rog, waxa kaliya oo ay soo kordhiso ay tahay Sicir-barar, haddaan loo maareyn si waafaqsan baahidda loo qabo.

Waxaan kaloo ognahay, in lacagta, la daabaco, oo aan wax soo saarku kordhin in ay tahay, in alaabtii qaali noqoto, oo keliya oo wax kaloo ka dhlanaya ayan jirrin.

Maamulkan wuxuu ka Andacoonayaa, in uu isticmaalayo, in Mushaarka kaliya lagu bixiyo.

Su'aasha aan isweydiiyey baa waxay tahay:

1. Yaa taa hubinaya?
2. See lacagtii raggii maal-galiyey loogu celinayaa, iyo faa'iidaddii ay filayaan.
3. Maxay u tahay SIR aan la shaacin, dadkuna u ogeyn?
4. Intee baa la sameynayaa, oo la siku og-yahay?
5. Madaxda dalku ma ku leeyihiin Faa'iido ay qaadanayaan?

Inta Su'aalahaas aan is-weydiiyey ayan lahayn JAWAABO, taasi waxay cadeyneysaa MMS ee oran jirety "Wax la qariyo, Qurrun baa ku jirra".

Wa Billaahi Towfiiq.

Dhacdooyinka ku kulmaya September/2015, iyo Walaaca laga qabo!!!!!!!!

Waxaa aad u soo batey qoraallo badan oo ku jira internet-ka oo aad looga hadalyo, dhacdooyinka ku kulamaya Adduunka ee bisha soo socota ee September. Sida aannu ognahay dad badan oo aqoon leh, baa waxay aad ula socdaan dhacdooyinka taariikhda ee na soo marey, waxayna ka saadaaliyaan kuwa nagu soo food leh, waxaanna dadkaas u badan dadka aqoonta diinta Thawra-da uu dhuun daloola.

Waxaa meeshaan aan ka soo minguuriyey ama ka soo turjumey, dhacdooyinka la ogyahay ee soo socda oo dhammaantood ku soo beegan bisha September/2015. Annoo ka soo qaatey www.dailycrow.com. Qoraalka 36 Dhacdo oo dhacaya September/2015. Aniguse waxaan ku soo koobey intaan u arkayey iney muhiim tahay.

Illaaha Weyn oo Waaxid-ka ah, baa Caalumu-qeyb ah, ogna meesha adduunku u socdo iyo waxa soo socdaba. Annagoo taas og, baa hadanna markaan akhriyey qoraalkan, aan is tusey in aan idinla wadaago, gaar ahaan dadka aan ku fiicneyn luuqadda Ingiriiska, inakstoo kuwa kale oo luuqadaan yaqaanaanna aan siin doono link, ay ka akhristaan.

Cabsi baa ka muuqata qoraaga uu leeyahay ma dhici kartaa in Ameerika ay ku soo socoto, wuxuu ugu yeerey in dhaqaalaheeddu uu u socdo meel ay ka abuurmi karto isbadal, isbadalkaas oo aan la ogeyn wuxuu keeni doono, inkastoo aad hadalkiisa ka dhadhasan doontid, in Ameerika ay gaartey meeshii ay ku waayi lahayd awoodda ay maanta heysato, waana kuwaan dhacdooyinku.

1. Shemitah 9/13:

a)Waa waqti ku beegma 7-dii sano-ba mar oo Yuhuudu leeyihiin. Waxaa dhacay khasaare soo gaarey "Stock Market", sannadkii 9/17/2001, markaasoo ku beegneyd 29-kii Elul ee Yahuudda, wuxuuna khasaarey 685 Dhibcood.

b) Sannadkii 9/29/2008, 29-kii Elul, wuxuu khasaarey 777 Dhibcood.

c) Sannadkaan wuxuu ku beegan yahay 9/13/2015..............?????????

2. Rosh Hashanah waa Sannad-guuradda Sanadkoodu uu dhasho Yuhuudda.

3. Qaramadda Midoobey baa waxay bilaabeysaa barnaamij ay ugu yeerto "Sannadkii Iftiinka", kaa soo addunka lagu wacyi galinayo aqoonta Iftiinka.

4. Dhoolatuskii Ciidanka Maraykanka ee ka socdey gobolo Ameerika "Jade Helm" ka mid ah oo bilowdey July/15/2015, baa dhamaanaya 9/14/2015. Dhoolatuskaas oo dad Maraykanka qaarkood walaac ka muunjiyeen.

5. Maalinta Nabadda Adduunka 9/21/2015.

6. Yom Kippur waa ciidda ugu weyn ciidaha Yuhuudda iyaduna waa 9/23/2015.

7.  Sannadka Jubilee, oo ah ciid Yuhuudeed oo ku beegan 9/23/2015, oo ah maalin deynta la isu cafiyo.

8. Xajka Islaamka oo ku beegan 9/22-23.

9. Ciidda Ciidul Adxa oo ku beegan 9/23-24.

10. 9/23, waa maalinta 266 maalmood ay u buuxsanto hoyadda Bisha Kowdeeddii Ilmo qaadey.

11. 9/24 Madoona oo aad wada taqaanaan, baa Washington D.C ku qabanaysa masraxiyad ee ka heeseeyso.

12. 9/23 Wuxuu Pope Francis la kulmayaa Obama, kuna kulmayaa Guriga Cad.

13. 9/25 Pope Francis, baa khudbad ka jeedinaya UN-ka.

14. 9/25 , 6:00 pm, Pope Francis baa dad ku tujinayaa Madison Square.

15. 9/26, Pope Francis wuxuu booqanyaa Kaniisad ku taala Philadelphia.

16. Pope Francis waa Pope-kii 266-aad ee madax u noqda Kaathliga Adduunka.

17. May 13,2014. 500 oo maalmood baa ka soo wareegtey maalintii ay shirka jaraa'id wada qabteen Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Maraykanka iyo Faransiiska, oo ay ku celceliyeen waxaa 500 Maalmood naga xiga waqtiga adduunku u la kulmi doono jahawareer ku dhaca cimiladda Adduunka, maalintaasna waxay ku beegan tahay 9/25/2015.

18. 9/28/2015, Dayax Buuxa, oo midab guduudan leh, oo ay ugu yeeraan DAYAXA DHIIGA baa laga arkayaa duleedka Jerusalem, waana markii 4aad ee la arko ilaa 2 sano gudahooda, waana markuu ugu weyn yahay oo uu muuqanayo.

19. Madaxweynaha Chinese-ka baa imaanya Maraykanka waanna markii u horeysey oo uu soo booqdo USA illaa markii la doortey 2012.

20. Shiicaddu waxay aaminsan tahay in Mahdigii soo baxayo 2015, oo ah IMAM-kii 12-aad.

21. 9/15 Qaramada Midoobey, waxay yeelanayaan kulankood kulankooddii 70-aad, waxaanna la filayaa in dawladda Faransiisku ay keeni doonto, in Falastiin loo codeeyo Dawlad Madaxbanaan iney tahay.

22. 9/25-26, Qaramada Midoobey waxay bilaabayaan waxay ugu yeeraan in adduunka gaaro horumar aan lagu wiiqin Kheyraadka Dhulka Ku-jirra " Sustainable Development".

23.Efram Rodriguez, waa nin Kirishtan ah oo sheegey in Dhagax Cirka ka soo dhacay oo ku dhici doono xeebta Puerto Rico, taasoo ay ka dhallan doonto bur-bur aan afka lagu soo koobi karin. Isagoo sheegtey in loo waxyoodey. Manaqaan wax wax u sheegey, laga yaabaa Sheydaan.

Isku soo duubo, cabsi baa heysa Ameerika, sida warkaan lagu sheegayo.

Illaah bari, iyo Qur'aan Akhris baa inagu waajib ah hadaannu nahay ummadda Soomaaliyeed, sababtuna Ameerika dad badan oo Soomaali ah baa deggan, waanna waajib in waxa la sheegayo la' ogyahay, iyado ay u badan tahay in ayba BUUFIS tahay.

Alloow Baladda na Dhaafi, oo Adduunka Dhaafi Dhamaantayo.

http://www.dailycrow.com/the-september-list-35-converging-points-of-importance/

Tarjume; Ahmed Yassin

amyassin@ymail.com



Sunday, 16 August 2015

Doorashaddii Axmad Madoobe iyo Jubbaland:

Saddexda Gobol ay maanta la isku yiraahdo Jubbaland, waxay soo mareen colaad aad u dheer oo muddo soo jiitameysey. Dadka halkaas deganna waxay muddo badan raadinayeen NABAD iney hellaan oo ay ku noolaadaan.

Nasiib daradda ka dhacdey Soomaaliya meelo badan oo ka mid ahna, dadkii Soomaaliyeed ee goboladda qaar degannaa waxay awoodi waayeen iney dhistaan wax maamul ah oo ay ku gaaraan dawladnimo Soomaaliyeed.

Taasi waxay sababtey in goboladaas ay fara-gallin ku sameeyaan quwado dibadda uga yimid, ha ahaadeen kuwa dariska ah ama kuwa UN-ku wadamo kale uga keeney oo ka baxsan xaduudkeenna.

Jubbaland waxay ka mid noqotey, kuwa helley bad-baado dibadda uga timid si loo kala bad-baadiyo Soomaalidii halkaas deganeyd ee iyagu ahaa Dal-wadaagga iyo Dhiig-wadaaga.

Dawladahaas faragalinta Soomaaliya ku soo sameeyey ujeedo kastaba hala haadeene, waxay ku qasban yihiin iney dhisaan maamul iyo kala dambeyn, taasi marnaba maahan in cadaaladdu ay tahay qodobka u horeeya oo ay muhiimadda siinayaan.

Sababtuna waxaa weeyaan, waxa hadda ugu muhiimsan waa in la abuuro qaab ku saleysan SHARCI iyo KALA-DAMBEYN. Maadaamma, dadkii dhulkaa u dhashey ee Soomaalida ahaa ay marna garran waayeen inay iyagu isu-tanaasullaan, ama sameystaan waxay ku kala nabad-gallaan, waxaa noqotey lagama maar-maan in loo taliyo, dadna loogu dhiibo maamulka.

Madaxweyne Axmed Madoobe wuxuu nasiib u yeeshey inuu noqdey kan hadda isaga loo doortey inuu maamulo dhulkaas, sida uu doono ha ku yimaado.

Waxaan u arkaa inay tahay GUUL u soo hoyatey dhulkaas, maadaamma ay maanta leeyihiin madax, ciiddan iyo gole shacab oo taladda goynaya.

Marka waa lagama maarmaan inaan niraahno AW-GUURYO.

Maxaan isaga kula talineynaa, iyo kuwa la socda waa sidatan:

1. Waari-meysaane magac-ha-idin-ka-harro.

2.Jubbaland waa barwaaqo, ee dadka uga faa'iideeya.

3. Taageeradda aad hadda heysatid, iyo kuwa ku garrab taagan, haddaad horumar keeni weydid, ogoow lama aadan dhallan, iyaguna ma leh awood ay waxay rabaan ku sameeyn karaan, shaqo ayaa loo direy, haddii aydin hore-u-soconna mid kale baa kor loo soo qaadaya, Adiga iyo inta kula socotanna badda la idin ku darayaa, hadalkaasna ha biciidsan.

Kuwa hadda welli qeyla-dhaanta wada, iyaganna waxaan leenahay:

1. La shaqeeya maamulka.

2. Hanqal-taaga meel aan waxba oollin taariikhdeeddii gadaal u raaca,

3. Nin la noolaan waayey Soomaaliga dad ugu dhow oo deriskiisa ah, mid kalena waxba isma tarri karaan, waa xaqiiq.

Wa Billaahi Towfiiq.

Friday, 14 August 2015

Mooshin, Mooshin La'aan iyo Is-af-garasho Xamar, Maxay ka badaleysaa RUNTA ama DHABTA uu dalka Soomaaliya maanta ku sugan yahay siyaasad ahaan?

Mooshinka Xamar, iyo Isu-fakashadda Xamar ka soo yeereysa, waxay inoo cadeyneysaa dhowr arrimood:

1. Inaan Xamar dadka siyaasadda wadaa Madaxweyne, Xildhibaano, iyo Ra'iisal Wasaare iyo Wasiiradiisu ayan warba u hayn xaaladda ay Soomaaliya maanta ku jirto.

2. In ayan kala jecleyn waxa ay dareemayaan Soomaalida intooda badan.

3. In ay iska indho tirayaan, Dhawaaqa ka soo yeerey Puntland, iyo Jubbaland madaxdeeda, iyo shacabkoodaba.

Haddaan wax yar ka iraahdo Mooshin-ka Xamar, oo aan ka dhigno Saddex-qeybood:

1. In looga guuleysto HSM.
2. In HSM uu ku guuleysto.
3. In laga hortago inta uusanna gaarrin codeyn.

Mid kastaba ha ahaatee, Maxaad u maleyneysaan in ay ka badalli karto xaaladda uu dalku ku jiro maanta?

Haddaan anigu isu jawaabo, Wax ay ka badaleyso ma jirto, sababtuna waxaa weeyaan:

1.Baarlamaanka Soomaaliya iyo HSM, waxay labadooduba  galleen gaf lid ku ah dastuurka qaranka.

2. Waxay ku takri falleen awoodda ay labadooduba u hayaan dalka.

3. Waxay dalka gaarsiiyeen dibu-dhac siyaasadeed oo ay aad u adag tahay in la isugu soo noqdo.

Mooshin, Mooshin la'aan, iyo in ay isku raacaan waqti kororsi dhammaan, wax iska badalaya jawiga siyaasadda ee Soomaaliya maanta ma jiro.

Waxay ragga qaarkood ku fakarayaan, waxaannu nahay dawlad madax-bannaan, haddii aanu dhammaanteen isku af-garanno in waqtiga aannu koronsano, yaa na oran kara ma kororsan kartaan.

Waxaysan taladdaba ku darsan, in dalku uusan ahayn Xamar. In dawladahii Xamar ka soo shaqeeyey ay dhammaantood wateen ogolaansho dadka Soomaaliyeed oo dhan marka laga reebo Soomaaliland.

Maanta dawladnimadda la sheeganayo, ma hortaagna UN, EU, AU ama USA,, waxa hor-istaagi doona waa ummadda Soomaaliyeed, oo  aan siin doonin COD, ama aan ku TUFI doonin in ay isticmaalaan magaca Soomaaliyeed.

Cali Mahadi illaa HSM, dhammaantood waxay ku yimaadeen, dalad wadata Soomaali. Taasi maanta hellimayo HSM, CCC, iyo Jawaariba marka waqtigoodu uu dhamaado.

Wuxuu warku ku soo ururayaa "Maxay ku NUUGTAA, ama ka NUUGTAA'.

Wa Billaahi Towfiiq.