Translate

Sunday, 16 August 2015

Doorashaddii Axmad Madoobe iyo Jubbaland:

Saddexda Gobol ay maanta la isku yiraahdo Jubbaland, waxay soo mareen colaad aad u dheer oo muddo soo jiitameysey. Dadka halkaas deganna waxay muddo badan raadinayeen NABAD iney hellaan oo ay ku noolaadaan.

Nasiib daradda ka dhacdey Soomaaliya meelo badan oo ka mid ahna, dadkii Soomaaliyeed ee goboladda qaar degannaa waxay awoodi waayeen iney dhistaan wax maamul ah oo ay ku gaaraan dawladnimo Soomaaliyeed.

Taasi waxay sababtey in goboladaas ay fara-gallin ku sameeyaan quwado dibadda uga yimid, ha ahaadeen kuwa dariska ah ama kuwa UN-ku wadamo kale uga keeney oo ka baxsan xaduudkeenna.

Jubbaland waxay ka mid noqotey, kuwa helley bad-baado dibadda uga timid si loo kala bad-baadiyo Soomaalidii halkaas deganeyd ee iyagu ahaa Dal-wadaagga iyo Dhiig-wadaaga.

Dawladahaas faragalinta Soomaaliya ku soo sameeyey ujeedo kastaba hala haadeene, waxay ku qasban yihiin iney dhisaan maamul iyo kala dambeyn, taasi marnaba maahan in cadaaladdu ay tahay qodobka u horeeya oo ay muhiimadda siinayaan.

Sababtuna waxaa weeyaan, waxa hadda ugu muhiimsan waa in la abuuro qaab ku saleysan SHARCI iyo KALA-DAMBEYN. Maadaamma, dadkii dhulkaa u dhashey ee Soomaalida ahaa ay marna garran waayeen inay iyagu isu-tanaasullaan, ama sameystaan waxay ku kala nabad-gallaan, waxaa noqotey lagama maar-maan in loo taliyo, dadna loogu dhiibo maamulka.

Madaxweyne Axmed Madoobe wuxuu nasiib u yeeshey inuu noqdey kan hadda isaga loo doortey inuu maamulo dhulkaas, sida uu doono ha ku yimaado.

Waxaan u arkaa inay tahay GUUL u soo hoyatey dhulkaas, maadaamma ay maanta leeyihiin madax, ciiddan iyo gole shacab oo taladda goynaya.

Marka waa lagama maarmaan inaan niraahno AW-GUURYO.

Maxaan isaga kula talineynaa, iyo kuwa la socda waa sidatan:

1. Waari-meysaane magac-ha-idin-ka-harro.

2.Jubbaland waa barwaaqo, ee dadka uga faa'iideeya.

3. Taageeradda aad hadda heysatid, iyo kuwa ku garrab taagan, haddaad horumar keeni weydid, ogoow lama aadan dhallan, iyaguna ma leh awood ay waxay rabaan ku sameeyn karaan, shaqo ayaa loo direy, haddii aydin hore-u-soconna mid kale baa kor loo soo qaadaya, Adiga iyo inta kula socotanna badda la idin ku darayaa, hadalkaasna ha biciidsan.

Kuwa hadda welli qeyla-dhaanta wada, iyaganna waxaan leenahay:

1. La shaqeeya maamulka.

2. Hanqal-taaga meel aan waxba oollin taariikhdeeddii gadaal u raaca,

3. Nin la noolaan waayey Soomaaliga dad ugu dhow oo deriskiisa ah, mid kalena waxba isma tarri karaan, waa xaqiiq.

Wa Billaahi Towfiiq.

No comments:

Post a Comment