Translate

Monday, 13 July 2015

Cumar Cabdirashiid heshiisyadii uu Puntland la galley, xaggee ku dambeeyeen?

MM Soomaaliyeed, baa tiraahda "Run hadaan la isu sheegin, wax ka xun baa la isu sheegaa oo waa BEEN".

Warbaahinta baan maalmahan ka akhristaa, CCC oo ah RW Soomaaliya baa ku soo wajahan Puntland. Waxaan is weydiiyey, toloow maxay soo kordhin doontaa CCC imaatinkiisu anoo xasuusanaya safaradiisii hore ee uu Puntland ku yimid.

CCC, laba jeer buu Puntland tagey, isagoo masuul DF ah, mar waa markii hore oo RW ka ahaa dawladdii Shiikh Shariif, safarkaas oo aan anigu ku booqdey RW Gaalkacyo, waqtigaas oo aan joogey Puntland, safarkaas waxaa la isku afgartey qodobo markaas loo arkayey in ay dan u yihiin labada dhinac oo ah DF iyo Puntland.

Safarkiisii kale wuxuu ahaa kii hadda uu ku yimid Garoowe, isagana waxaa ka soo baxay is-afgarad ama heshiis, loo arkayey inuu dan u yahay labada dhinac ee kala ahaa DF iyo Puntland.

Illaa iyo maanta labadaas heshiis hal qodob oo ka mid ah oo fuley lama hayo, xitaa meel looga doodey ha haadeen Golaha Wasiiradda ama Baarlamaanka lama hayo. War ka soo noqdey PM oo u ku soo celiyey Puntland lama hayo oo ah HAA iyo MAYA. ama waxaynu ku hishiiney socon waaye.

Dadka qaar baa waxay ku kaftamaan PM CCC, heshiisyadaas kalama tagin Gaalkacyo iyo Garoowe.

Intaas waxaa dheer Madaxweynihiisu Garoowe ayuu yimid Is-afgarad heshiis baa la wada gaarey, Xamar markuu tagey buu yiri " Heshiis anigu lama soo gaarrin Puntland".

Annagoo og xaaladdu meesha ay taagan tahay maanta, annagoo og kala fogaanshaha soo kala dhex-galley Xamar iyo Garoowe, annagoo og in sida loogu tuntey dastuurkii Soommaaliya, annagoo og in maamulka Xamar oo dawladnimaddii ka dhigtey makhaayad nin leeyahay. Baa waxaa is-weydiin mudan:

Muxuu soo kordhinayaa imaanshihiisa uu maanta yimaado Garoowe Mudane RW Cumar Cabdirashiid Cali?.

No comments:

Post a Comment