Go'aankii Baarlamaanka Puntland, Muxuu u ekaa?
Markaan dhageystey doodii xildhibaanadda Puntland, iyo markaan akhriyey go'aamaddii ay soo saareen, waxaa iiga soo baxay in aad u kala fogaayeen, sabatuna ay tahay sidatan:
1. Waxay dhammaan ka hadleen in ayan jrrin, wax tixgellin ah, ama dhowrid ah oo ay DF, xukuumad iyo baarlamaanba uusan jrrin oo ah ilaalinta Dastuurka.
2. Waxay dhammaan ka hadleen in ayan jirrin, wax fullin ah, oo ku saleysneyd heshiisyaddii Puntland iyo DF ay gaareen, ee dhinaca DF ah.
3. Waxay dhammaan ka hadleen, in DF ay maal-gellin ku sameysey in xuduudaheeda Puntland laga dhigey waxaan jirrin.
Sidaasoo ay tahay bey hadanna waxay dib ugu celiyeen DF oo geysatey intaas oo Xad-gudub, Ku-takrifal, Tixgellin la'aan in ay dib u saxaan khaladaadkaas.
Waxaa iyaduna yaab lahayd, qodobkooda 5 aad, oo ahaa haddii DF ay wax-ka qaban weydo go'aamadda ay Baarlamaanka Puntland soo saareen, inayan qeexin waxa ka dhallan doona.
Waxaa kaloo u baahan in aad loo fahmo, Gudoomiyaha Baarlamaanka markuu akhriyayey qodobadda loo codeeyey, wuu ku margadey qodobka 5aad, wuuna ku celiceliyey, oo marba si u sheegey, iyadoo aan u qaatey inuusan ahayn qodob qoraalkiisu uu qeexnaa, oo u ekeyd inuu isagu uu carabkiisa sida uu jeclaa uu ugu dhawaaqey
Waxaa kaloo oo aan aad ula yaabey, qodobkaas marka loo codeeyey waxaa "HAA" 30 Xildhibaan, 10 waa AAMUSTEY, 2-ba waxay tiri "MAYA. Taasi oo aanan garran sababta.
4ta Qodob oo kale, dhamaan waxay yiraahdeen "HAA", waxaan jeclaan lahaa in saxaafadda meesha joogtey ay baaraan sababta qodobkaas aan la isugu raacin. Isagoo ahaa DULUCDII hadalka oo dhan.
Anoo taas u qaatey "Kaadi badane , waa loo gogol badiyaa" iney ka wadaan, annagoo og in ay tahay "Hadal bacaad lagu lisey" qodobadoodu marka ay ku dhacayaan dhegaha Dawladda Federaalka.
Waxaanse qabaa, inayan waqti dheer naga xigin Oktoobar, qofkii sii noolaada, kubaduna iney ku soo laaban doonto dhinaca Puntland, Bal waa aragnaa waxay la soo shir tagto.
Qore: Ahmed Yassin
amyassin@ymail.com
No comments:
Post a Comment