Translate

Wednesday, 15 July 2015

Shirkii Garoowe oo soo dhamaadey, iyadoon wax Natiijo ah laga gaarrin:

Wuxuu RW CCC la soo shir tagey, oo ah wixii aan Xamar ku dhisey ogolaada waa arrin aanaan ogolaaneyn, waana la diidey.
Dhaqan ahaan waxaan nahay "Niman gabdhahooda ay jecel yihiin u guuriya wiil qaawan oo yiraahda "Adeer Xoolo mahayo, Gabadhaada Hebla' ah baan jeclaadey, ee i sii oo xoolo iigu dar"".
Dhaqan ahaanna waxaan nahay "Jaahil, Xoogeystey, oo Doqon ah, oo soo kaxeystey 10 nin oo isaga la mid ah, oo intey reerka duleedkooda yimaadaan Gabadhii oo ari la joogta dhufsada, Kuwaasna Dhowr Boqol oo will baa naftooda u hurra oo aan ka dabageynaa inaan soo furano".
Aqoontii dadku isu lahaan jirey oo soo jireenka ahayd, waxaa barxay sheekaddii 60kii ka dambeysey, oo ay dadku kala garran waayeen qolo walba sida loola dhaqmo.
Dib hala isu barto, runtii la aaseyna ha soo noqoto. Markaasaan dawladnimo aan Dhaqan Gaal lagu Dhoo-dhoobin laguna saleyn yagleeli doonaa.
Wa Billaahi Towfiiq.

No comments:

Post a Comment