Translate

Monday, 13 July 2015

UJEEDO: TALLO BIXIN KU AADAN SHIRKA GAROOWE

BISMILLAAHI RAXMAANI RAXIIM.

UJEEDO: TALLO BIXIN KU AADAN SHIRKA GAROOWE

Annagoo ah jaaliyadda Puntland ee ku nool dibadda waxaannu 48 saac u dambeysey ku jirey wada xaajood aan ka wada hadleyney xaaladda Garoowe, iyo waxay nala tahay inaanu u gubin karo reer Puntland ee ku saabsan arrimaha hadda Garoowe la isku horfadhiyo.

Waxaa ah wax aan muran lahayn, in siyaasadda Soomaaliya ee maanta ay wadaan kuwa masuulka ah inayan ku saleysneyn sidii dalka loo badbaadin lahaa.

Waxa ay wadaan madaxda hadda joogtaa ha ahaadeen kuwa Federaal ama kuwa Dawlad-Goboleed-yaddu waa aragti aan dhaafsiinsaney kuraastee baan helli karaa doorashada soo socota.

Maadaama uu xaalku saas yahay, waxaa ah waajib saarran reer Puntland in shirkaan ay qodobadaan meel saarraan, una hellaan jawaab aan ahayn hadal meeshii la rabo loo jeedin karo.

1. In DF jawaab cad ka bixiso Qodobadaan hoos ku xusan.

a) Xuduudka Galmudug iyo sheegashada  dhulka Puntland.
 
b) Dastuurka wax laga badelay dhammaan.
 
c) Guddiyada dastuuriga ah oo la sameeyey iyada oo aan Maamul goboleedyada lagala tashan.

d) Heshiisyadii hore xagee ku dambeeyeen?.

2.Iyadoo aan qodobadaas si waafi ah aan looga hellin jawaab, waa inaan la aadin, lagana qeyb gallin shirka July 29th ka dhici doona Xamar.

3. Inaan CCC iyo Gaas aan marna laga ogolaan in ay ummadda u hoosaasiyaan Xasan Shiikh Maxamuud, iyo ragga la midka ah ee danahooda khaaska ah mar walba ka hormariya danta guud.

4. In aanan la ogolaan in Baarlamaanka Puntland go'aamadiisii lagu tunto.

5. Maanta reer Puntland waxay heystaan "FURSAD", aad u wanaagsan oo ay wax badan oo la isdaba mariyey lagu sixi karo, yaan la dhumin waqtigaas dahabiga ah ee la helley.

WA BILLAHI TOWFIIQ.

No comments:

Post a Comment