Sababaha ay u adagtahay in Soomaaliya ay maanta isla saan qaado, ama loo oran karo meel siman ma joogto, baan waxaa ka arki karaa qaabkii uu ugu dhintey Xamar Bari-Bari oo ahaa Safiirkii Soomaaliya u fadhiyey Geneva, iyo sidii diiraneyd ee loogu soo dhaweeyey Ameriko Puntland.
Yuusuf Ismaaciil oo ahaa safiirkii Soomaaliya ee Geneva ayaa ku dhintey weerar lagu qaadey Hotel uu ka daganna Xamar, isagoo u dhintey dhiig-bax ka soo gaarey dhaawacii ku dhacay markii dambiilayaashu ay gudaha u galleen Hoteellka. Waxaan ognahay in Safiirku helli waayey bad-baadin la bad-baadiyo isagoo in muddo ah la hadlayey reerkiisii iyo cid alaalle cidii uu markaa is lahaa wey haboon tahay inaad la hadashid.
Yuusuf Ismaaciil Bari-Bari wuxuu u dhintey silic, iyo badbaado la'aan la badbaadin waayey isagoo dhaawac ah oo yaalla hoteelka dhexdiisa, haddii ay jirri lahayd in safirkaasi uu heysan lahaa ilaalo ama ay jirri lahayd in xukuumad ku sheega meesha ka jirta ay isu-xil qaami ahayd iney badbaadiso waxaa laga yaabi lahaa inayan xaalku saas noqdeen.
Maxamed Cali Ameeriko sidaan beryahaan ka arkeyney baraha internetka wuxuu joogey Puntland, isagoo soo dirayey sawiro badan oo ku saabsan joogistiisa Puntland.
Waxaa ka mid ahaa inuu dhowr jeer la fariistey Madaxweynaha Puntland oo mararka qaarkood ay is gaar isu arkeen. Wuxuu Madaxweynaha Puntland u sameeyey qado sharaf uu ku mataaneeyey Madaxweynihii hore ee Puntland Mr. Faroole.
Wuxuu si xarago leh u dhex mushaaxayey magaaladda iyadoo la soo saarey isagoo dhar ka gadanaya carwooyinka Garoowe. Wuxuu heystey Ilaalo khaas ah oo ilaalisa isaga iyo inta la socota. Wuxuu xitaa u gudbey Qardho halkaas oo uu soo booqdey Boqor Burhaan, waxaanna arkayey iyagoo si wanaagsan u wada qosalaya, oo ay ka muuqatey faraxad dheeraad ah.
haddee ogaada Maxamed Cali Ameeriko, hadda maahan SAFIIR, waa SAFIIR hore oo la qaadey xilka.
Dulucda hadalkeygu waxaa weeyaan, sidee labadaas maamul oo midna Safiir aan xil ahayn saas u soo dhaweeeyey oo Soomaalinimo ka tahay, midna Safiir hadda shaqeynayey hoostoodaa loogu cuney oo xitaa u waayey gurmad meesha ka soo saara, ayeeysan u yeelllan karinn wada-shaqeyn lagu raadiyo Soomaalinimo.
Alloow Sahal Amuuraha.
No comments:
Post a Comment