Ummaddii haddii ay rabto inay gaarto horumar waa iney jirtaa la xisaabtan ay la xisaabtamaan madaxdooda, taasina waa iney ka bilaabataa in dib loo fiirsho hadaladda ay jeediyeen.
Inkastoo uu maamulka hadda ka jira Puntland uu jirey muddo hadda ka badan hal sano iyo baro, mudadaas waa muddo lagu qiimeyn karo wax-qabadkiisu meeshuu marayo ama meesha uu ku dambeyn doono.
Ma rabo, inaan dib u raaco Madaxweyne Gaas hadaladdii uu jeediyey waqtigii doorashadda, laakiin waa inaan fiirinaa khudbadiisii ugu dambeysey ee uu jeediyey laba maalmood ka hor:
KAABAYAASHA DHAQAALAHA:
Waxaa jira oo run ah inuu si fiican u socdo dhismihii Airport-ka Boosaaso. Waxaa kaloo aanu aragney heshiisyo lagu kala saxiixanayo Abu Dabey, oo lagu dhisayo Airport-kii Garoowe iyo Jaamicaddii Maakhir.
Khudbaddii Madaxweynaha kuma jirrin, mana uusan soo qaadin waxa la yiraahdo:
a) Wax soo saarka Puntland.
b) Waxyaalaha ay ka mid yihiin Macdanta, Batroolka, Biyaha, Dhirta iyo Daaqa.
c) Wax-soo-saarka Beeraha.
d) Dhoofinta iyo Soo-dajinta waxa u dhaxeeya ee dalka.
e) Qaab-dhaqaaleedka u dajisan dalka ee uu ku shaqeeyo.
Wuxuusan kaloo ka hadlin, wax yaalaha dhaqaalaha kordhiya oo aan toos ugu xireyn dhaqaalaha sida:
a) Wax soo saarka Dadka.
b) Aqoonta guud ee dadka iyo sida wax loo qabto.
c) Xoriyadda Siyaasadda ee Dalka.
d) Dadku sida ay ugu xiran yihiin wax soo saarka dalka iyo horumarintiisa.
e) Dadku iney heegan u yihiin horumarka dalka.
f) " Musuq-maasuqa", wuu soo qaadey.
Intaas aan soo sheegey oo si toos ah iyo si dadban-ba salka ku haya horumarka dhaqaalaha ee dalka ma uusan ka hadal, annagoo og in welli aan maamulkani u bisleyn inuu intaas ka hadlo dhammaan, hadanna waxaa hubaal ah dadkii iyo dalkii raba inuu gaaro horunmar waa inuu isha ku hayaa intaas oo meelood oo mid walba goonidiisa loo abuuraa meeshii lagu keydin lahaa macluumaad ama "Statistics"-kooda, iyo dad aqoontaas leh oo uruuriya.
Qodobka loo baahan yahay in Puntland taladda ku darsato waa iney la tartantaa qaabka Canshuur-qaadida Berbera iyo Xamar, si ay u hesho dad badan oo isticmaala dekadeedda.
AMNIGA IYO SHABAAB-KA:
Al-xamdulillaah, Maalmahan dambe ma'aanaan maqal dhacdooyin ay geysteen Al-shabaab, taasna waa ku amaanan yihiin hay'adaha Ilaaliya Nabada iyo Maamulkuba.
Waxaase hubaal iney dhaceen dhacdooyin dhowr ah oo khal-khal galiyey amaanka Puntlanfd kuwaas oo ahaa kacdoon askareed, oo ku saleysnaa kuwa siyaasadeed iyo kuwa dhaqaale.
Waxaa hubaal ah in ay tahay lagama maarmaan in arrimahaas isha lagu hayo, lana hubiyo ineyan soo noq-noqon.
MUSUQ-MAASUQA:
Waxay Afrika dhaqan u leedahay in ay mar walba madax-deedu ay ka hadlaan La-dagaalanka Musuq-maasuqa , iyagoo aad moodo in iyaga la siiyey Dambi-dhaaf Musuq-maasuq, oo iyagu sidey doonaan u is-ticmaalaan hantida dalka, dadkanna u sheegaan oo ku wacdiyaan inaan la ogolaaneyn Musuq-maasuq.
Run ahaantii, in kastoo aanan heyn anigu xaqiiq muujineysa in maamulkani uu lugaha kula jiro musuq-maasuq toos ah, hadanna waxaa lagama maarmaan ah, in Madax-da Sare ay tusaalaha kowaad noqdaan in ay iyagu ka nadiif yihiin Musuq-maasuqa. Taasoo ah:
a) In ay soo bandhigaan heshiisyadda ay la galayaan shirkadaha dalka imaanaya, ama qaadanaya qandaraas-yadda.
b) Qandaraasyadda Dawladdu bixineyso in ay muuqdaan oo la wada ogyahay.
c) Xisaab cellin dhammaan Madaxweynaha, Madaxweyne-ku-xigeenka iyo Wasiiradda dalka oo dhan oo la og yahay, sida ay u isticmaalaan kharashaadka loo siiyo adeega iyo in la og yahay lacagaha ay u isticmaalaan safaradda iyo Mushaaraadka ay qaataan.
d) In maamulku sameeyo Hay'ad Hanti Dhowr lana isku haleyn karo kana madax-banaan siyaasadda.
DIMUQRAADIYEYNTA DALKA:
Madaxweynuhu, lama immaan mana soo bandhigin qorshe degsan oo leh maalin u bilaabanayo iyo maalin u dhamaanayo oo ku saleysan sida dalku u gaari lahaa heer ka duwan kii uu ku soo jirey illaa iyo mudaddii la aasaasey.
Hawshanni waxay u baahan, in ay jirraan guddi loo xilsaaro, soona diyaariya qaab dhisan oo leh kow ilaa dhammaad tilaabo walbanna ku saleeya waqti, waana iney ahaataa wax dadku ogyihiin iyo Axsaabta dalka rajadda ka qabta ku talo gallaan, ee ayan noqon wax nin uu khudbad ku sheego sannadkiiba waqti munaasabad la xusayo.
SOOMAALINIMADDA:
Madaxweynuhu wuxuu sheegey in dad badan oo Puntland ay qabaan fikri gooniya oo ka duwan tuu isagu qabo ee ku aaaddan Soomaaliya xaaladeedda.
Inkastoo anigu fikir ahaan soo dhaweeyey hadalkiisii hadanna, Madaxweyne waa inaad ogaataa siyaasadda dalka aad ku wadid waa iney ka tarjuntaa rabitaanka ree Puntland.
Waxaa hadaladdii Obama ka mid ahaa markuu ka hadlayey AU-da. "Dalku wuxuu gallaa khatar marka qofka dalka madaxda ka ah uu isagu isu qaato inuu yahay kan kaliya oo WADANIGA ah. Taasna waxaa laga dhaxlaa BUR-BUR".
Qore: Axmad Maxamuud Yaasiin.
amyassin@ymail.com
No comments:
Post a Comment