Sidaaan ognahay maamulka Dawladda Puntland ee Soomaaiya wuxuu jirey illaa 1998, mudadaas oo uu soo jireyna illaa iyo maanta waxaa loo doorto madaxweynaha, Madaxweyne-ku-xigeenka, iyo Xubnaha Baarlamaanku uu ku saleysan yahay qaab goboleed ah qabiil.
Waxaan hubaa in ay maanta taagan tahay sidii qaabkaas looga gudbi lahaa oo loo gudbi lahaa qaabkii qof walba oo qaan-gaar ah, oo miyir-kiisa qaba oo deggan Puntland uu awood u yeellan lahaa inuu dhiibto codkiisa, taladda dalkana uu lug ku yeesho.
Maadaama aan ognahay in qaabka ah "Qofkiiba Cod", uu yahay qaab u baahan fullin hawl cullus sida lagu gaaro, iyadoo ay tahay in la dhameystiro qodobaddan:
1. Tiradda dadka oo la hubiyo.
2. Qof walba in loo sameeyo waraaqda aqoonsiga oo aan lagu sameyn karin Musuq-maasuq.
3.Xuduudaha Degmooyinka iyo Goboladda oo la caddeeyo.
4. Dhisidda ciidamaddii ilaallin lahaa maalinta cod-bixinta.
5. Dejinta shuruudaha iyo sharciga Axsaabta.
6. Diyaarinta meelaha cod-bixinta ee magaala walba iyo Degmo walba.
7. Computers waaweyna oo laga turxaan bixiyo khaladka.
8. Iwm.
Waxaa halkaas inooga muuqda in hawshanni ay tahay hawl u baahan waqti dheer, Dhaqaale, iyo in la galiyo juhdi badan si loo gaaro.
Maamulka hadda jirra, oo shaqadda dalka hayey 20 bilood oo buuxda, waa muddo ku dhow 2 sano. Mudadaasna illaa iyo maanta ma muuqato, inuu wado ama bilaabey sidii hawshaas baaxadaas leh lagu gaari lahaa, oo koleey aan anigu ogahay.
Waxaan ku tallin lahayn, in hawshaas uu maamulku bilaabo sida ugu dhaqsaha badan si looga hortago. Dib u dhac ku yimmaada waqtiga doorashadda.
Waanna in dib loo soo celiyaa hay'adihii hawshaas gacanta ka siin lahaa Puntland wada-shaqeyntooda si ay u gaadho, oo aan maqlayo midii ugu muhiimsaneyd waaba ay ka guurety Garoowe, anoon ahayn sababta.

No comments:
Post a Comment